720 Views

ciidanka Uganda oo sheegay in ganacsatada ka howlgasha ‘Suuqa Badda’ oo ku dhex yaalla Xalane ay siiyeen tallaallka COVID-19.

ciidanka Uganda oo  sheegay in ganacsatada ka howlgasha ‘Suuqa Badda’ oo ku dhex yaalla  Xalane ay siiyeen tallaallka  COVID-19.
____________________________________________________________________________


khamiis: September 2, 2021


Taliska ciidanka Uganda ee qaybta ka ah Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ganacsatada ka howlgasha ‘Suuqa Badda’ oo ku dhex yaalla Xerada Xalane ee Muqdisho ay siiyeen tallaallada COVID-19.

AMISOM, ayaa sheegtay in shaqaalaha iyo ganacsatada ay heleen talaalkii ugu horreeyey ee Oxford-AstraZeneca 30-ka Ogosto 2021, taas oo qayb ka ah dadaallada lagula dagaalamayo xanuunka Coronavirus.

Bishii Marso 2020, Suuqa Badda ayaa la xiray iyadoo qeyb ka ah tallaabooyinka xayiraada ee AMISOM si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19 ee Xerada Xalane. Xayiraadaha ayaa la fududeeyay, inkastoo la marayo tilmaamo adag si looga hortago qatarta Caafimaadka.

Ku -simaha Taliye Ku -xigeenka Qeybta 1 -aad ee AMISOM, Col. Sam Mwesiga, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shaqaalaha iyo ganacsatada suuqa ku sugan ay si buuxda u qaateen talaalka caafimaadka.

Col. Mwesiga, ayaa sheegay in tallaalka la siiyay ganacsatada uu ka mid yahay waxqabadyada AMISOM ee ololaha ka dhanka ah COVID-19. Bishii Maajo 2021, Qeybta 1 ee AMISOM ayaa billowday tallaalka ciidamadeeda milateriga iyo bilayska waxaana bishii Ogosto badidood la siiyay talaalkii labaad.

Guddoomiye ku-xigeenka Ganacsatada, Maxamed Daahir Axmed, oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee la tallaalo, ayaa uga mahadceliyey AMISOM isagoo ku hadlaya magaca ganacsatada sida ay u siiyeen taageerada tallaalka COVID-19.

“Waxaan maanta helnay wajiga 1aad ee tallaalka. Aniga ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey ee la tallaalo kuwo kale oo badanna iyagaa qaata. Tani waa shaqo aad u sharaf badan oo ay samaysay AMISOM, kaasoo dhammaanteen na ilaalin doona, ”ayuu yiri Daahir.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post