1170 Views

Wasiirka Amniga oo hortegay Ergada Shirka Dhuusamareeb

Wasiirka Amniga oo hortegay Ergada Shirka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 11 2019 —Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo ku sugan Magalada Dhuusamareeb ayaa Maanta ka qaybgalay Shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug oo maalintii afaraad ka socda Dhuusamareeb.

 

Wasiirka ayaa waxaa Maanta su’aalo la xiriira dhanka amniga ay weeydiiyeen ergada ka qeyb galeysa Shirweynaha dib uheshiisiin Galmudug,isaga oo uga jawaabayay su’aalaha oo la xiriira inta badan horumarada laga gaaray Amniga Galmudug & guud ahaan dalka.

 

Ergada ayaa Su’aalahooda waxaa ay ahaayeen kuwo inta badan ku qotomay isbedlada dhinaca amniga ah ee ka jira Galmudug iyo qorsha ay dowladda Soomaaliya u dejisay howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab oo weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan Galmudug.

 

Wasiirka oo la hadlayay Ergada ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay guulo waaweyn ay ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay oo ay ka sameeyeen gobolada Shabellooyinka,waxaana uu sheegay in deegaannada Galmudug si la mid ah howlgallada laga fulin doono.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment