639 Views

Guddiga La Dagaallanka Musuqmaasuqa Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday UN

Guddiga La Dagaallanka Musuqmaasuqa Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday UN
____________________________________________________________________________

.


Isniin:July 4, 2022

Mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC oo uu hoggaaminayo Madaxa Xafiiska UNODC ee Soomaaliya, Mr. Reginald Pitts iyo Lataliyaha Gaarka ah ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee UNODC Mr. David Robinson ayaa maanta booqasho ku yimid xafiiska Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa Soomaaliya .

Wafdiga ayaa waxa xarunta guddiga kusoo dhaweeyay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga ahna ku-simaha Guddoomiyaha Dr. Xasan khaliif Xasan iyo xubnaha kale ee ka tirsan Guddiga, Intaa kadib waxaa shir wada qaatay labada dhinac, kaasoo ay xubnaha guddiga warbixin ka siiyeen mas’uuliyiinta ka socotay UNODC dadaalada uu Guddiga Madaxa Bannaan ee Ladagaallanka Musuqmaasuqa ka sameeyay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo fulinta Axdiyada iyo heshiisyada la dagaallanka musuqmaasuqa ee caalamiga ah.

Dhankooda madaxda ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNODC ayaa soo dhaweeyay dedaallada laga sameeyay la-dagaallanka musuqmaasuqa ee uu hormuudka ka yahay Guddiga Madaxa-bannaan ee La-Dagaallanka Musuqmaasuqa ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ballanqaaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo la shaqeynta guddiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post