1203 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 1da Luulyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  1da Luulyo.
____________________________________________________________________________

.

Khamiis: Luliyo 1 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo.

“Waaxan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa  munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna. 

Waxaan abaal u haynaa, ku faaneynaa, una duceyneynaa Aabbeyaashii u soo halgamay, soona hooyay xorriyadda aan ku naallooneyno kuwaas oo guushaas ku gaaray isku duubni, wadajir, walaalnimo iyo is-jaceyl. 

61 sano ka dib, waxaan baahida ugu weyn u qabnaa midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee aan ku gaari karno horumarka aan hiigsaneyno, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga asaaaggeen ah.  Hambalyo Mar kale.   Soomaaliya ha noolaato.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post