333 Views

Midowga Yurub oo shacabka Kenya ku ammaanay sida nabdoon u dhacday doorashadii lagu doortay Madaxweyne William Ruto

Midowga Yurub oo  shacabka Kenya ku ammaanay sida nabdoon u dhacday  doorashadii lagu doortay Madaxweyne William Ruto
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 17, 2022

Midowga Yurub, ayaa shacabka Kenya ku ammaanay sida nabdoon ee ay u qabsadeen doorashada guud, waxayna ku booriyeen dhinacyada tabashada qaba, in cabashadooda lagu xalliyo qaab sharci ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray Midowga Yurub, ayuu ururku ku sheegay inay muhiimad leedahay “is xusuusinta natiijadii IEBC ay ku dhawaaqday in William Ruto uu ku guulaystay doorashada iyo go’aanka ku gacan seyrista ah ee uu qaatay Raila Odinga.

“Dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada, waa inay ka fogaadaan wax kasta oo rabshad kicin kara oo ay dalbadaan in la is dajiyo. Waxaa la joogaa waqtigii hoggaaminta siyaasadeed iyo mas’uuliyadda dhammaan kuwa qeybta ka ah doorashada,” wakiilka sare ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sidaasi yiri.

Borrell, ayaa sidoo kale u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Ruto. Odinga oo u tartamay doorashada madaxtinimo ee Kenya, ayaa talaadadii diiday natiijada lasoo saaray, isagoo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin iyo dibu dhac ku keeneysa hannaanka curdunka ah ee dimuqraadiyadda Kenya.

Ruto ayaa si dirqi ah kaga guuleystay Odinga, iyadoo lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay 50.5% codadkii la dhiibtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post