867 Views

Odayaasha Muqdisho oo bilaabey dadaalo lagu xalinayo khilaafka Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha

Odayaasha Muqdisho oo bilaabey dadaalo lagu xalinayo khilaafka Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha
____________________________________________________________________________



Talaado: December 28, 2021

Odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa bliaabey dadaalo lagu dajinayo khilaafka ka dhex aloosmey Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali, ayaa intaa ku darey iney jeclaan lahaayeen inaanu dhib dhicin, ha yeeshee ay mar waliba diyaar u yihiin iney kaalintooda odaynimo qaataan.

Imaamka, ayaa carabka ku dhuftey in haatan ay is urursadeen, isagoo dhanka kale rajeeyey in mas’uuliyiinta is khilaafsan iyaga dhameeyaan ismaan dhaafkooda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taagan dhiilo, iyadoo dadweynuhu ay muujinayaan walwal, haddii khilaafka jiro isu badalo gacan ka hadal.

Madaxda ugu sareysa ee Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhex aloosmey khilaaf maalmihii ugu danbeeyey, taasoo salka ku heysa doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post