528 Views

Maxay ku soo dhamaadeen wadahadaladii Ukraine iyo Ruushka?

Maxay ku soo dhamaadeen wadahadaladii Ukraine iyo Ruushka?
____________________________________________________________________________

Arbaco March 30, 2022

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee waji ka waji la isku hor fariistay ee u dhaxeeya wufuud ka kala socoto Ukraine iyo Ruushku ayaa ku soo idlaaday Istanbul. Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in wadahadaladu qaateen muddo saddex saacadood ah.

Dhinaca Ukraine ayaa sheegay in ay soo jeediyeen nidaam cusub oo ah damaanad qaad amni kaas oo ay garwadeen ka noqonayaan wadamada sida Turkiga oo kala ah.

Ukraine ayaa wadahadlada inta aysan bilaaban ka hor sheegtay in ay dalabka Moscow u tixgalinayaan mid dhexdhexaad ah, balse aysan marnaba ka tanaasuli doonin dhulkooda.

Safiirka Ukraine ee UK Vadym Prystaiko ayaa BBC da u sheegay inta aysan wadahadaladu bilaaban in uu rajeynayo in Ruushku u furfurnaandoono wadahalka.

Madaxa wadhadalada wafdiga Ruushka Vladimir Medinsky ayaa sheegay in ay walwal ka qabaan suura galnimada ciqaabo lagula kacayo askar Raashiyaan ah

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post