594 Views

Madaxweynihii hore ee Kenya oo maanta lagu aasaya tuulada uu kaso jeeda

Madaxweynihii hore ee Kenya oo maanta lagu aasaya tuulada uu kaso jeeda
____________________________________________________________________________

Sabti: April 30, 2022

Madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki ayaa maanta lagu aasaya tuulada uu kaso jeeday oo ku taalla bartmaha Kenya.

Maydka Kibaki ayaa la geeyay tuulada uu ku dhashay kadib markii saaka laga qaaday magaalada Nairobi, meydka Kibaki oo lagu huwiyay calanka Kenya ayaa waxaa galbinayay saraakiil militari ah.

Kumanaan qof ayaa maydkiisa ku sugayay tuulada Othaya halkaas oo lagu aasayo, waxaana loo ridi doonaa 19 madfac.

Mwai Kibaki ayaa ku geeriyooday toddobaadkii lasoo dhaafay, wuxuu Kenya maamulayay muddo 10 sano ah laga bilaabo 2002 ilaa 2013.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post