810 Views

Dalka Taiwan, waxaa gaaray safiir Somaliland ay u dirtay

____________________________________________________________________________

Waxaa gaaray Magaalada Taipei, ee caasimada u ah Jaziirada Tiawan Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo Somaliland ay sheegtay inuu noqonayo wakiilkeeda u fadhin doona dalka Taiwan.

Wasiirka arrimaha dibedda Taiwan MOFA ayaa sheegtay in ay soo dhoweyneyso xiriirka dowladeeda la yeelaneyso Somaliland, waxayna intaasi raacisay in cilaaqaadka 2da waddan uu noqonayo mid ay isku weydaarsanayaan danaha dal waliba uu dalka kale ka leeyahay.

Dowladda Shiinaha ayaa cadaadis ku saaraysa Taiwan in ay joojiso xiriirka ay ay la yeelaneyso Somaliland, kaas oo ah mid ay ku kala dhantaaleyso madax-bannaanida dalka Soomaaliya.

Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya ka goosatay sanadkii 1991 ayaan weli ictiraaf caalami ah helin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post