753 Views

Farshaxaniiste u dhashey Sweden, oo sameeyey sawir gacmeed Aflagaadada nabi Muxammad NNKH oo baqtiyay.

Farshaxaniiste u dhashey Sweden, oo sameeyey sawir gacmeed Aflagaadada nabi Muxammad NNKH  oo baqtiyay.
____________________________________________________________________________

.

isniin: October 4, 2021

Farshaxaniiste u dhashey Sweden, oo sameeyey sawir gacmeed uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH, ayaa ku geeriyoodey shil baabuur, sida ay sheegtay warbaahin maxalli ah.

Lars Vilks, ayaa lagu soo waramayaa inuu la socday gaari ay leeyihiin booliiska, kaas oo ku dhacey baabuur weyn, meel u dhaw magaalada Markaryd, ee koonfurta Sweden.

Laba sarkaal oo booliis ah, ayaa sidoo kale ku dhintey shilkaas, iyadoo darawalkii gaariga uu isaguna soo gaarey dhaawac.

Vilks, oo ahaa 75 sano jir, waxaa ilaalo joogto ah u sameeyay, markii ay soo gaareen hanjabaado ah in la dilayo, ka gadaal markii uu sameeyey sawir gacmeedka.

Sawir gacmeedka, ayaa la daabacey sannadkii 2007-dii, taas oo ay u arkeen Muslim badan inay tahay danbi iyo meel ka dhac tahay, in sawir toos ah laga sameeyo nabi Maxamad NNKH.

Sidoo kale, tani ayaa ku soo beegantay markii farshaxaniiste kale oo u dhashey Denmark, oo isna sawiray wax uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH.

Booliiska ma aysan soo saarin aqoonsiga dadkii ku dhintey shilkii baabuur ee dhacey axaddii, laakiin lamaanaha ama xaaska Vilks, ayaa u xaqiijisay geerida wargeyska Dagens Nyheter.

War uu soo saarey booliiska, ayaa lagu sheegay in aaney wali cadeyn sida uu u dhacey is jiirista baabuurta, balse ma jirto wax tilmaamaya in shilkani ay ku lug leeyihiin dad kale.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post