1233 Views

War deg deg ah: banaanbax uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho ka bilaawday Goor dhawayd….

War deg deg ah: banaanbax uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho ka bilaawday Goor dhawayd….
____________________________________________________________________________

Feb:19/2/2021

Waxaa Goor dhawayd Muqdisho ka bilaawday  banaanbax uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbigaha Wadajir kana mid ah midowga Musharixiinta.

Banaanbaxa uu hoggaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wuxuu kasoo bilowday jidka aada garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde.

Waxaa la filayaa in banaanbaxa uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan uu gaaro ilaa daljirka Daahsoon oo ah halkii loo asteeyey inuu Maanta ka dhaco banaanbaxa inkastoo dhammaan jidadka Muqdisho ay xireen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo la hadlayey dadka isku soo baxay ayaa sheegay in dadkii la rabay in kasoo qeyb galaan banaanbaxa laga xiray jidadka Muqdisho.

Kala soco Bogan wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post