924 Views

Wasiir Beyle oo shaaciyey xilliga la cafinaayo Deynta Somalia

Wasiir Beyle oo shaaciyey xilliga la cafinaayo Deynta Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 19, 2019 | QOL |   –Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle aya amarka hore waxaa uu soo dhaweeyey Warbixintii ay soo saartay Kristalina Georgieva Agaasimaha maamulka IMF kaas oo ku saabsanaa meel marinta  qorshaha  maaliyadeed ee Soomaaliya.

 

Wasiirka oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay muqdisho ayaa sheegay in Hay’adda IMF ay Soomalaiya aad ugala Shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya,islamarkaana Soomaaliya ay heyso wadadii deynta looga cafin lahaa.

 

 

 

Sidoo kale Wasiir Beyle waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay socdaan qorshaa lagu dar dargelinayo in Soomaaliya laga cafiyo deynta,taasna uu hirgalayo marka la gaaro Bisha labaad ee sanadka soo socda ee 2020.

 

Si kastaba shalay ayay aheyd markii Golaha Wakiillada dalka Mareykanka ay markii ugu horeysay ansixiyeen miisaaniyad ay ku jirto cafinta deyn lagu leeyahay dalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment