732 Views

Xildhibaan Odowa “ Saadaq joon Qabiil ayaan ku difaacaa waa sax Xildhibaankiisa ayaan ahay

Xildhibaan Odowa “ Saadaq joon Qabiil ayaan ku difaacaa waa sax Xildhibaankiisa ayaan ahay
____________________________________________________________________________

.

May 5-2021

Xildhibaan Odowa  ayaa waraysi kulul  siiyay telefishanka Dalsan , waxa uuna  uga hadlay  xaalada dalka  iyo dhibaatadii ka dhacday  mudo kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday farmaajo.

Xildhibaan Odowaa ayaa ugu horeyntii in xaalada dalka iyo qalaalasaha ka taagan uu sabab u yahay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu shaaciyey in magaalada Muqdisho aysan ka baxeyn ciidamada kasoo horjeeday muddo kororsigii la laalay, ilaa inta la dhameystirayo wada-hadalo bilow ah oo la iskugu laab-xaarayo saraakiisha iyo ciidamada, taasi oo waqti u baahan, sida uu sheegay.

“Mas’uuliyada qaxa waxaa iskaleh Farmaajo (mas’uuliyada barakaca). Wada-hadal ayaa ka socda mida ciidamada markaa miraheeda hala gaaro, waqti ayey u baahan tahay. Taliyeyaal ciidan ayaa jira oo ciidamadaan ay ishaysteen oo shalay iska soo horjeedee,” ayuu yiri.

Sidoo kale Wasiirki hore ee arimaha gudaha DFS ayaa inta uu wareysiga socday ka jawaabay su’aal la xiriirtay inuu Jeneraal Saadaq John u difaacayo beel ahaan?, maadama markii uu kasoo horjeestay Farmaajo uu si weyn ugu muujiyey garab istaag.

“Haa!, ceeb miyaa xildhibaankiisa ayaa ahay , aniga kursiga aan ku fadhiyo beel sow kuma fadhiyo, waxaa ku fadhiyaa 4.5,” ayuu yiri Xildhibaan oo ka jawaabaya su’aasha la xiriirta in Saadaq John ay ku difaacayaan garab qabiil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post