1896 Views

Duqa Muqdisho, Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamadda Qalabka Sida oo kormeeray Stadium Muqdisho

Duqa Muqdisho, Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamadda Qalabka Sida oo kormeeray Stadium Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho Ogoosto 29, 2018 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo weheliyaan, Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga dalka, Booliska, saraakiil iyo La-taliyeyaasha dhinaca ammaanka ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa kormeer qiimeyn ah ku sameeyey Stadium Muqdisho oo dhowaan ay Ciidanka AMISOM ku wareejiyeey DFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabada dib loogu soo celiyey Stadium Muqdisho gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya ay muujinayso sida ay uga go’an tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan fursad ay ku soo bandhigaan xirafadahooda, gaar ahaan dhanka cayaaraha oo garoonka kaalin muhiim ah ka qaadan jiray.

“In gacanteena uu ku soo laabto Stadium Muqdisho waa calaamad muujinaysa sida ay nooga go’an tahay dib u howlgelinta xarumihii muhiimka ahaa, maantana waxaan u nimid inaan qiimeyno, si isbadal loogu sameeyo, kaalintii uu ka qaadan jiray horumarka dalkana dib loogu soo celiyo”

Duqa Muqdisho iyo Taliyeyaasha Ciidamadda ayaa kormeeray guud ahaan qeybaha uu ka koobnaa garoonka oo burbur xoogan ka muuqday. Iyagoo dhinaca kale kormeer ku tagey qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Booliska ee degmooyinka dhaca hareeraha Caasimadda, si loo xaqiijiyo sugidda amniga magaalada.

Garoonka Stadium Muqdisho oo la dhisay Sanaddii 1978-dii ayaa lagu qaban jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha Sportiga sida Kubbadda Cagta, Kolayga, Miiska, Dabaasha iyo kuwo kale oo badan, iyadoo sidoo kalena ahayd goob muhiim u ah isu imaatinka Bulshada xilliyada ay jiraan Munaasabadaha.

.duqa-muq-taliya-ciidanka-5 duqa-muq-taliya-ciidanka-3 duqa-muq-taliya-ciidanka-2 duqa-muq-taliya-ciidanka-1 duqa-muq-taliya-ciidanka-4 duqa-muq-taliya-ciidanka-6

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment