660 Views

Ra’iisul wasaare Rooble oo xilka la wareegaya iyo dood ka taagan

Ra’iisul wasaare Rooble oo xilka la wareegaya iyo dood ka taagan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 26 2020—Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waddaa in uu maalinta berri ah si rasmi ah xilka ula wareegaayo si uu u dardargaliyo howlaha horyaalla xafiiskiisa.

Diyaargarowga munaasabadda xil wareejinta ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay ka socotay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Dood ayaa ka dhalatay cida uu xilka kala wareegi doono ra’iiusul wasaaraha cusub iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Kheyre uu soo jeediyay in uu xilka ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha cusub , halka ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo isagu sheegaayo in uu ahaa Ra’iisul wasaare ku meelgaarka ah.

Mahdi Guuleed ayaa dhowaan magacaabay Guddi Wasiiro ah oo diyaariya munaasabada xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub, waxaana durba soo baxayay in cida xilka wareejineyso inuu yahay Mahdi Guuleed.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu warqad rasmi ah u qoray Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda sare oo ah inuu isaga xilka ku wareejiyo sifo sharci ah, ayna tahay xogo iyo dukumentiyo qaranka ku saabsan inuu ku wareejiyo Raiisal Wasaaraha sida sharciga ah Golaha Shacabka u ansaxiyay.

Si kastaba ahaatee maalinta berri ah ayaa la ogaan doona sidda ay xaaladu noqoto, waxaana wararku ay sheegayaan in ay u badan tahay in Kheyre ku wareejiyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha cusub.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post