4755 Views

Wasiirka dastuurka Oo La kulmay Madaxda Hirshabeelle

Wasiirka dastuurka  Oo La kulmay  Madaxda Hirshabeelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 31, 2018–Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale oo shalay gaaray Magaalada Jowhar ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo Guddoonka baarlamaanka ayay la qaateen kulan gaar ah oo looga hadlaayay dhameystirka dastuurka.

Waxa ay sidoo kale la kulmeen qaar ka mid ah Bulshadda kunool Magaalada jowhar oo ay kala hadleen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhameystirka dastuurka.

Wafdiga  ku sugan Magaalada jowhar ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay kulamo kala duwan la qaataan bulshadda kunool degaanada maamulka Hirshabeelle ka dibna ay u gudbaan magaalooyinka kale ee dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment