5661 Views

Baarlamanka oo ansixiyay dhismaha golaha wadatashiga qaranka Soomaaliyeed

Baarlamanka oo ansixiyay dhismaha golaha wadatashiga qaranka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 16, 2015 | Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta meel mariyaay qaraar ku aadan dhisida golaha wadatashiga qaranka ee u xilsaaran jiheynta hanaanka hiigsiga  sannadka 2016.

Xildhibaanda barlamaanka Soomaaliya oo manta kulan ku yeeshay magaaladda muqdisho ayaa  ayaa ansixiyay  qaraar ku aaddan dhismaha  golaha wadatashiga qaranka  ee u xilsaaran jihaynta nidaamka siyaasadeedda iyo tabaha lagu gaarayo hiigsiga 2016-ka.

Fadhiga barlamaanka maanta oo uu shir guddoominayey  Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sh, Cismaan “Jawaari”  ayaa ugu horrayn  lagu kala diray is markaana loogu mahad celiyey guddi hoosaadkii  qaabilsanaa ka soo talo bixinta qaabka ugu haboon ee lagu gaari karo hiigsiga 2016-ka,

Mudanayaasha  golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa cod gacantaag ah  ku an sixiyay mowshinka ku saabsan dhismaha golaha wadatashiga qaranka Soomaaliyeed , sida uu ku dhawaaqayo afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Sh, Cismaan “Jawaari”   guddoomiyaha  gollaha shacabka Soomaaliyeed  ayaa sheegay  in dhawan uu bilaaban doono  wada xajood laga yeelanayo mooshinkii  dhawaan qaar ka mid  ah  xildhibanadu ka keeneen  Madaxwaynaha dalka  Mudane Xasan Sh,Maxamuud.

 

.

________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment