6951 Views

Qaban Qaabada Caleema saarka Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed oo ka socota balliqardhaas

Qaban Qaabada Caleema saarka Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed oo ka socota balliqardhaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 October 2015 – Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed Ayaa dhowaan Lagu Wadaa In Lagu caleemo saaro balliqardhaas Oo 4KM Dhanka Bari kaga beegan degmada Xarfo.

Sanadkan Bartimihisa ayay ahayd marki Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed siwayn loogu soo dhoweyay Degmada Xarfo, waxaana inta uu ku sugnaa Deegaanka uu kulamo la qaatay waxgaradka Beesha Maxamed Cumar ( Cumar Maxamuud ), kulamadaas looga arrinsanayay qaabka loo wajihi lahaa isbedel horumarineed oo Muuqata oo ay beeshu ku tilaabsato.

Degmada Xarfo waxa ay ka mid tahay Degmooyinka Faca Wayn isla markaana xilligan laga dareemaayo isbedelo dhinaca dhismaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga, Waxaana Lagu amaana in ay leedahay Adeegyo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada iyo ganacsiga.

Guddiga qabanqaabada Xafladda caleemo saarka Suldaan Sh. C/qani Qorane Ayaa Sheegay inay kaso qaybgeli Doonaan Madaxda Dowladda, Isimada ugu Sareeya Soomaaliya, nabadoono, qeybaha bulshada rayidka kuwaas ka kala imaan doona dalka gudihisa iyo dibaddisa.

4_115_117_1

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment