3879 Views

Mudane Xasan Sheekh oo ku baaqay in gargaar deg-deg lala gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen

Mudane Xasan Sheekh oo ku baaqay in gargaar deg-deg lala gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho,20 March 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka inay kaalmo deg-deg ah la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax yeela gaarsiiyeen.

“Biyo yaraan iyo abaaro baahsan ayaa goobo badan oo dalka ka mid ah ka jira. Xaaladdu waxaa laga yaabaa inay soo yara fiicnaato marka ay roobabka bilowdaan bisha soo socota ee April, balse inta ka horeysa waa in muhimadda koowaad iyo awoodda jirtaba la isugu geeyaa dadka tabaaleysan, iyadoo loo eegayo degaannada sida ay u kala daran yihiin’’.

Madaxweynaha, waxaa uu inta ku daray in hay’adaha samafalka iyo dowladda ka sokow, shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax haysta laga doonayo in ay u naxariistaan walaalahooda ay xaaladdan adag la soo daristay.

Inta badan gobolada dalka ayaa waxaa ka jira abaaro kulul, waxaana u geeriyoodeen dad iyo xoolo, deegaanada qaar ayaa laga soo sheegayaa biyo la’aan, kadib markii uu wabiga guray.

Wabiga Shabelle oo mara Gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose ayaa hada guray, dadka iyo xoolaha ku tiirsanaa biyaha wabiga ayaa hada waxaa soo wajahay xaalado nololeed oo aad u liita.

Dad qaar ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya ay gacan ku leedahay webiga guritaankiisa oo ayada xaggeeda ka xirtay.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment