3171 Views

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 18 July 2016 (Villa Somalia)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo 17—18 July, ka socday magaalada Kigali ee dalka Jamhuuriyadda Rwanda.

Shir Madaxeedka ayaa intaanu soo xirmin waxaa uu isku raacay in dib loo dhigo doorashada hoggaanka cusub ee Guddiga Sare ee Midowga Afrika. Madaxda Afrika ayaa isku afgartey in doorashada ay bisha January ka dhacdo magaalada Addis Ababa.

Ajendaha kale ee doorashada looga hadley waxaa ka mid ah miisaaniyadda Midowga Afrika, xasaradda dalka Jamhuuriyadda Suudaan iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay magaalada Kigali waxaa uu kula kulmey hoggaamiyeyaasha dalalka Suudaan, Masar, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment