4077 Views

Duqa Muqdisho oo la kulmay saraakiisha AMISOM

Duqa Muqdisho oo la kulmay saraakiisha AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | September 29, 2017 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga gobolka, Ku xigeenka u qaabilsanaha Midowga Afrika Seymon Morogan , Taliyaha Ciidanka AMISOM, Afhayeenka Ciidanka AMISOM, Safiirka Dowladda Uganda ee Soomaaliya iyo saraakiisha ammaanka gobolka.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbahinta la hadlay oo u faah faahiyay waxyaabihii laga wada hadlay ku xigeenka u qaabilsanaha Midowga Afrika iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku dheeraaday ahmiyadda kulankan uu leeyahay iyo sida Ciidamada AMISOM ay uga jawaab celiyeen dhibaato 26-kii bishan ay u geysteen gaari uu watay muwaadin Soomaaliyeed, Isgoyska KM4.

Waxa uu sheegay marka hore Ciidanka AMISOM in ay ku heshiiyeen in ay warbahinta ka muujiyaan sida ay uga xun yihiin falkaasi ay geysteen, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan magdhow.

Ku xigeenka u qaabilsanaha Midowga Afrika ayaa dhankiisa sheegay in ay xireen Darawalkii gaariga kaxeynayay iyo sidoo kale Sarkaalkii hoggaaminayay kolonyada Gaadiika AMISOM ee dhibaatada geysatay, sidoo kalena hada kadib ay ka taxadiri doonaan dhibaato dhacda.

Ugu dambeyntii Simon Malongo ayaa wuxuu sheegay in Ciidanka Midowga Afirka ay rajeynayaan in ay dib u xaqiijiyaan balanqaadka ay ku taageerayaan dadka Soomaaliyeed, dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment