1158 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xirey Ciidamo

SAWIRO:-Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xirey Ciidamo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 1, 2020Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Puntland oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad.

 

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysteen sanadka hadda dhammaaday.

 

 

 

Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xiro, Madaxweynaha ayaana dhammaadkii kulanka kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment