2541 Views

Maxkamadda Sarre Ee Dalka Oo Soo Bandhigtay Dacwad Ka Dhan ah Madaxweyne Xaaf

Maxkamadda Sarre Ee Dalka Oo Soo Bandhigtay Dacwad Ka Dhan ah  Madaxweyne Xaaf
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL |  24  October 2017 – Maxkamadda sare ee Dalka ayaa soo bandhigtay Dacwad ka dhan ah Maadxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,taas oo sheegeysa in uu soo eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Maxkamadda sare ayaa 25ka Bishan oo berri ku beegan u yeertay Qareennada labada dhinac ee is eedeeyay islamarkaana ay dhegeystaan Dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale Cali Gacal Casir waxaa uu eedeyntan ku daray isagana Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhinacyadaa berri 9:00AM,looga baahanyahay in ay xarunta Maxkamadda tagaan Qareennada difaacaya Xaaf iyo kuwa wakiilka ka ah Casir.

wwwwwwwwww

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment