5691 Views

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisi oo Sacuudi Carabiya gaaray

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisi oo Sacuudi Carabiya gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27 October, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda Warfaafinta, Taliyaha Nabadsugida iyo xubno kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa la filayaa in maanta uu kula kulmo qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadli doona, arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasada iyo iskaashiga dalalka carabta sida arimaha wadanka Yemen.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Carabiya Dahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in kulanka Madaxweynaha iyo Boqorka uu yahay mid looga hadlo xaalada Soomaaliya, tan Yemen iyo arrimo kale.

Boqorka Sacuudiga Carabiya ayaa todobaadkii hore martiqaad u fidiyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo iskaashiga.IB0A6416

IB0A6424

IB0A6477 (1)

IB0A6471

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment