4785 Views

XILDHIBAAN GOODAX: Madaxweynaha Waxaa lagu eedeeynayaa inuu jabiyay Dastuurka dalka

XILDHIBAAN GOODAX: Madaxweynaha Waxaa lagu eedeeynayaa inuu jabiyay Dastuurka dalka
____________________________________________________________________________

xld_Goodax— Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Somalia, kuna jira Mudanaaashii Maanta Mooshinka ka Gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ujeedka Mooshinkaa iyo waxay madaxweynaha ku eedeynayaan.

Xil. Goodax ayaa sheegay in Mooshinkaan oo ay geeyeen 91-xildhibaan ay sharciga Dalka u yaalla u cuskadeen, isagoo raaciyay in Madaxweynaha DFS lagu soo eedeeyay waxyaabo badan.

“Madaxweynaha kalsoonideenna ayaan ku doorannay, haddii uu shaqadii loo ig-maday ka soo bixi waayana xilka ayaan ka qaadaynaa,” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Goodax oo la hadlayay Warbaahinta.

Sidoo kale, Xildhibaanka oo ka hadlayay Qodobada ay ku eedeynayaan in Madaxweynaha Somalia uu jabiyay ayaa sheegay inay ugu weyn tahay jabinta dastuurka dalka iyo Arrimo kale.

“Tani talo-soo-jeedin ma ahan ee waa xil ka qaadis. Madaxweynaha Somalia waxaa lagu eedeynayaa inuu jabiyay dastuurkii dalka u yaalla, waxaa kaloo lagu eedeynayaa inuu jabiyay Xuquuqul Aadanaha, kuna kacay Musuq-maasuq, Daryeel la’aanta Ciidamada iyo Waxyaabo kale. Mooshinkana Guddoonka Baarlamaanka ayaa loo gudbiyay,” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Goodax.

Ugu dambeyn, Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa Mooshinkan Madaxweyne Xasan Sheekh ka dhanka ah uu gacanta ugu jiro , iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda laga dodo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment