4272 Views

Madaxweynaha Galmudug oo mudo kordhin loogu daray magacaabista golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo mudo kordhin loogu daray magacaabista golaha Wasiirada
____________________________________________________________________________

Cadaado | QOL | Agoosto 19, 2015 – Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka codsaday Baarlamanka mamaulkaasi in ay mudo kordhin uu u sameeyo waqtiga loogu talagalay dhismaha golaha Wasiirada ayaa laga ogolaaday codsigiisa.

Kulan  ay yeesheen Xildhibaanada maamulka Galmudug oo ahaa mid aan caadi ahayn ayay Xildhibaannada kaga doodeen codsiga Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin  Xuseen Guleed kaa oo la xariiray in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga uu ku soo dhisayo golaha Wasiirada, waxaana ay si wada jir ah ugu ogolaadeen in la siiyo fursad kale oo uu ku soo dhisayo golaha Wasiirada, maadaama 48 saac ee uu qabsaday laga soo gudbay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo kulanka la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid aan caadi ahayn oo uu ka codsaday Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

“Kooramka waxaa yimid 53 Xldhibaan, sidaa darted sharci ahaan fadhiga waa inoo furmay, Madaxweynaha Galmudug ayaa baarlamanka horkeenay in loo sameeyo waqti kordhin uu ku dalbadanayo, waxaana cod gacan  taag ah lagu ansixiyay in loogu daray 15 maalin, si uu u soo dhiso golaha Wasiirada” ayuu yiri Guddoomiyaha baarlamaanka.

Madaxweynaha  maamulka   Galmudug Cabdikariin  Xuseen Guleed ayaa  in taa kudaray  ujeedada mudo kordhinta uu u dalbaday ay tahay maadama Maamulkaa uu yahay mid dhawaan la soo dhisay, loona baahan yahay in fursad la siiyo, si loo dhiso Xukuumad tayo leh.

“Mudda kordhinta waxyaabaha aan u dalbanay waxa ay ahayd in maamulkeena uu yahay maamul cusub, iyo arrimaha dib u heshiisiinta ay wax ka dhinaaneeyeen, gaar ahaan tan dhanka Ahlusuna Waljamacaa oo aan dooneyno in aan wada hadalno oo aan ku soo biirino dowlad goboleedka Galmudug, waana soo dhaweynaynaa fursadda nala siiyay” ayuu yiri Cabdikariin.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment