7575 Views

Wabiga Shabelle oo biyo keenay, beeralayduna ku farxeen

Wabiga Shabelle oo biyo keenay, beeralayduna ku farxeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 2, 2016 Wabiga Shabelle oo dhowaantan guray ayaa laga dareemayaa biyo ku soo kordhay iyadoo laga dareemay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa gelinkii dambe maanta arkay biyo ka soo dhacaya xiintoyda oo ah darbi laga dhex dhisay wabiga kaasoo toddobaadyadii la soo dhaafay qalalnaa.

Dad isugu jira dhalinyaro rag iyo dumar leh ayaa lagu arkayay gabaldhacii caawa xiintoyda iyagoo ku qubeysanaya biyaha uu wabiga keenay.

Inta badan dhalinyarada da’adoodu ka yar tahay 40ka sano ayaan arag weligood iyadoo xiintoyda aysan biyo ka soo dhacayn, waxaana maalmihii la soo dhaafay dadku ay u daawasho tagayeen xiintoyda si ay sawiro xusuus leh isaga soo qaadaan.

Beeralay badan oo ku nool hareeraha wabiga Shabelle ayaa ku farxay wabiga oo biyo keenay waxaana la rajaynayaa in  maalmaha soo socda ay soo kordhaan biyaha maadaama la galay xilligii guga.

Wabiga Shabelle ayaa xiliyada guga loogaga bartay inuu ku fataho deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

xiintoyda-19

xiintoyda-26

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment