3429 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Uganda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 12, 2016: Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo dhawaan ku guuleystey doorasho ka dhacday dalka Uganda.

Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda ayaa caawa lagu marti qaaday in ay ka qeyb galaan casho sharaf ka dhici doonta Madaxtooyada Uganda.

Dalka Uganda ayaa ammanka aad loo adkeeyay iyadoo xaflada caleema saarka Madaxweyne Museveni ay ka qeybgalayaan madax ka socota caalamka. Yoweri Museveni ayaa dib loo doortay 20-kii Bishii February ee sanadkaan, iyadoo Doorashadaas uu qaadacay Hogaamiyaha Mucaaradka ah Kizza Besigye oo la tartamay Madaxweynaha Wadanka Uganda.

Yoweri Museveni waa Madaxweynihii labaad ee toddobaadkan lagu caleemo saaray dal ka mid ah wadamada ku yaal Bariga Afrika waana madaxweynihii labaad oo la caleemo saaro iyadoo ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan dalka Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment