4296 Views

Osman Fagaase oo maanta ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa Duqa Degmada Galkacyo

Osman Fagaase oo maanta ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa Duqa Degmada Galkacyo
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | July 13, 2016 – Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo uga dhawaaqay musharaxnimada Duqa Degmada Galkacyo Osman Salaad Fagaase  oo ah ganacsade si weyn looga yaqaan magaalada Gaalkacyo,  dhawaana ka soo noqday dalka Maraykanka oo uu ku noolaa sanadiihii ugu danbeeyey.

Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa tartan ugu jira musharixiin dhawr ah oo dhamaantood ka tirsan Golaha cusub ee Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Osmaan ayaa faah faahin ka bixiyey qorshihiisa hadii u ku guulaysto xilka Duqa magaalada, isagoona sheegay ugu horayn inuu wax ka qaban doono Musuq maasuqa daashada Degmada Gaalkacyo, kor u qadida bilicda magaalada, ka shaqaynta Horumar lixaad wayn oo ay ku tilaabsato Degmada Gaalkacyo iyo Inuu Amniga Degmada kala shaqaynayo Hay’adaha kala duwan ee Amniga u xilsaaran.

“Magaalada Gaalkacyo waxaan ku noolaa mudo ku dhow 20 sano, waxaana ka mid ahay ganacsatada magaaladda,  marna waxaan soo noqday xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, waxaana xariir dhow la leeyahay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida Ganacsatada, Culumaa u diinka, Siyaasiyiinta, Haweenka iyo dhalinyarada, xaqiiqdii kaligay wax ma qaban karo balse hadii aan gacan ka helo Bulshada waxaan rumaysanahay in aan si dhakhso ah usoo celinayo Adeegyada aasaasiga ah ee daruuriga u ah bulshada Degmada Gaalkacyo” ayuu sheegay Osmaan

Osmaan oo sii hadlaya ayaa yiri “Dhibaatoyinka ugu balaaran ee hada ka jira Galkacyo waa dhanka Amnigu, waana laf dhabarta horumarka bulshada, waxaana ku shaqo leh soo celintiisa Hay’adaha Amniga qaabilsan, kaalinta uga aadan Duqa magaalada waa inaan kala qayb qaadano xaqiijinta Amniga dhamaan laamaha ay khusayso, waxaana dadaal u galayaa hadii la i doorto in aan la imaado qorshe cusub oo magaalada amniga kala qayb qaadanyno Hay’adaha kala duwan ee Amniga u xilsaaran”.

Dhawaan ayaa, 4tii July 2016, madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wuxuu kala diray Golihii Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo, wuxuuna qoraal ku soo saaray in mudo todobaad gudihiisa lagu soo xulu xubanaha Cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo oo ka kooban 27 xubnood.

.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment