5421 Views

Gurey Xaaji Xasan “Waa been Qaraxa la qabtay ee la sheegay inuu ku soo socday Hotelka Maka Al-Mukarama”

Gurey Xaaji Xasan “Waa been Qaraxa la qabtay ee la sheegay inuu ku soo socday Hotelka Maka Al-Mukarama”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 14, 2016: Gurey Xaaji Xasan, Milkiilaha Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyay war ka soo baxay Nabadsugida oo ahaa in la qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu bartilmaameed-sado Hotelka.

Gurey ayaa ku tilmaamay arrintaas mid la doonayo in sumcada Hotelka lagu dilo, isla markaana ay tahay dagaal siyaasadeed oo la soo abaabulay.

“Waa dacaayad siyaasadeed oo la rabo in sumcada Hotelka lagu dilo, waa ka xumahay, wax fiicana ma ahan, in laga been sheego oo la dhaho gaari qarax ayaa Hotelka ku soo socday, arrintaas cabasho ayaa ka qabaa”ayuu yiri Gurey Xaaji Milkiilaha Hotelka Maka Al-Mukarama.

Sidoo kale Gurey waxaa uu sheegay in gaariga qaraxa la sheegay inay qabatay Nabadsugida uu ahaa mid xalay la qabtay, lana soo bandhigay, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in la dhaho Hotelka ayuu ku soo socday.

“Gaariga qaraxa xalay ayay qabteen oo soo bandhigeen, saakana waxay dhaheen Hotelka ayuu ku socday ujeedada waa in hotelkeena sumcadiisa lagu dhaawaco”ayuu mar kale yiri Gurey Xaaji.

Nabadsugida ayaa saaka joojiyay kulan beeleed ka socday Hotelka Maka Al-Mukarama, kaasoo looga hadli lahaa doorashooyinka soo socda iyo waxqabadka Madaxweyne Xasan Sheekh ee afartii sano iyo fara gelin ay sheegeen inuu ka dhex wado Beelaha Hawiye.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay dhabarka dambe ee Hotelka Maka Al-Mukarama ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala bartilmaameedsan rabay Hotelka.

Qaar ka mid ah odayaashii kulankaas ka qeyb geli lahaa ayaa sheegay in tallaabada lagu joojiyay kulankooda ay aheyd arrin siyaasadeed, isla markaana lagu kala eryay in Qarax ku soo socdo Hotelka ay shirka ku lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee Hotelka Maka Al-Mukarama oo ka mid ah hotelada ugu caansan ee magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer oo hore Al-Shabaab ku qaaday weeraro is qarxin ah, waxaana weerarkii ugu dambeeyay uu dhacay bishii Maarso sanadkii hore 2015, xilligaasoo saacado badan gudaha Hotelka ka dagaalamayeen rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Maka-Al-Mukarama

Balse arrinta maanta lama oga halka ay cribta ku hayso.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment