3378 Views

RW Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray labada Gudoomiye Ku-Xigeenka ee Golaha Shacabka

RW Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray labada Gudoomiye Ku-Xigeenka ee Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Janauary 12, 2017 – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa hambalyo u diray labada Gudoomiye Ku-Xigeen ee Baarlamaanka oo maanta lagu doortay Xarunta Golaha Shacabka.

Mudane Carteh ayaa Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey iyo Mudane Mahad Cabdala Cawad kula dar-daarmay in ay si hufan u gutaan masuuliyadda la saaray.

“Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee ku guuleystay in ay helaan kalsoonida Xildhibaanada, waxa aan kula dar-daarmayaa in aanay dayicin codka Xildhibaanada oo si daacadnimo ah u gutaan waajibaadkooda”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa dhamaan Xubnaha Baarlamaanka uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay in doorashooyinka dalka ay si xasiloon ku soo dhamaato.

carte-hambalyo-gud-1-2-2 carte-hambalyo-gud-1-2-1 carte-hambalyo-gud-1-2-3 carte-hambalyo-gud-1-2-4

.

.

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment