4131 Views

Yaa mudan in loo doorto Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya?

Yaa mudan in loo doorto Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 31, 2017 – Waxaa horey uga jawaabay sheekh Xasan Jaamici oo sheegay sifaha Murashaxa Mudan in loo doorto Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo ah inuu yahay Murashaxa buuxiya sadexda eray ee ay dhaartu ka kooban tahay oo kala ah Diinta, Dalka iyo Dadka.

Waa in Murashaxa Madaxweyanaha loo dooranayo uu noqdaa mid buuxiyay sadexda shuruud ama dhaarta ee kala ah.

Diinta: Madaxweyne Ummadda Soomaaliyed u ilaalin kara diintooda, oo la dagaalama Munkar oo dhan, fasaadka akhaalqiga ee dalka ka jira iyo Mukhaadaraadka oo uu ugu horeeyo Qaadka.

Dalka: Madaxweyne dalka Soomaaliya ka difaaci kara cadowga gudaha iyo dibada, sidoo kale diidi kara faragelinta shisheeye ee Soomaaliya lagu hayo. Madaxweyne ilaalin kara xuduudaha dalka oo dhan, dhisina kara ciidan qaran.

Dadka: Madaxweyne ummadda Soomaaliyed Caddaalad ku dhaqi kara. Madaxweyne aan ku dhaqmin qabyaalada, kooxeysiga, Eexda iyo Musuq-maasuqa. Madaxweyne leh Aqoon iyo Amaano, Madaxweyne u dhexeeya ummadda Soomaaliyed oo ay dadku usiman yihiin, cidna aan gaar u dulmin.

Wuxuu Imam Xasan Jaamici xildhibaanada kula taliyay oo ku adkeeyay inay ilaaliyaan Masuuliyada ay qaaden wuxuu sheegay dhaarta xildhibaanada la dhaariyo inay ku dhaartaan oo ballanqaadaan inay dantooda gaarka ah ka hormarin doonaan Danta Diinta, Dadka iyo Dalka ee ha xusuunaadaan. Ugu danbeyn Imaam Xasan wuxuu xildhibaanada faray in ay Alle (SWT) ka baqaan oo ay dhowraan Masuuliyada iyo Amaanada ay u qaadeen Shacabka Soomaaliyed.

Alle (SWT) ha inagu anfaco waanada waxtarka ballaaran uleh guud ahaan ummadda Soomaaliyed. Wadadii loo mari lahaa in la helo hoggaan wanaagsan oo dadka iyo dalka samatabixiyo waa taas, xildhibaanada ha la gaarsiyo.

Waxaan ku dari lahaa oo aan qabaa in Xasan Sheekh Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uusan kasoo bixin dhaartii uu dadka iyo dalka u dhaartay sanadkii 2012-ka. Hadii aad fiiriso sadexda eray ee dhaartu ka kooban tahay oo ah Diinta, Dadka, Dalka iyo ilaalinta Dastuurka, waxaad mid walba ka helaysaa qodobo uu ku guuldareystay inuu fuuliyo.

Tusaale dhaarta Diinta: Waxaa jira munkar iyo fasaad akhaalqi ah oo badan, wuxuu Xasan joojiyay qaadka hadana wuu fasaxay, taas oo kaliya ayaa daliil noogu filan inuusan kasoo bixin dhaartii uu horey ugu dhaaraty inuu ilaalin doono Diinta. 

Dhinaca kale hadaad fiiriso dhaarta ah Dadka iyo Dalka waxaa kusoo baxaya arimo badan oo uusan fulin hadey ahaan lahayd Musuq-maasuqii oo sii xoogeystay intuu xilka hayey iyo dalkii oo aysan sugnayn xuduudihiisa iyo Amaankiisa, kana gaabiyay dhismaha iyo daryeelka ciidan qaran oo suga Amaanka dalka. Mudadii 4-ta sano ee uu Xasan xilka hayay ma diyaarin qorshihii ay AMISOM dalka uga bixi lahayd mana diyaarin ciidan Soomaaliyed oo AMISOM kala wareega shaqada ay ka hayaan dalka.

Waxaa xaqiiqo ah hadey xildhibaanadu dib udoortaan Xasan Sheekh ama Murashax la mid ah inay danbi ka galyaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyed taarikhduna ay xusi doonto Aamaanada iyo Masuuliyada ay dayaceen.

Waxaa intaas dheer Mudane Xasan Sheekh kalsooni kama haysto Shacabka Soomaaliyed hadey ahaan lahaayen Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Ciidamada iyo waxgaradka Soomaaliyed intuba way hadleen waxayna horey usoo saaren baaqyo ay ku muujinayeen dareenkooda ku Aadan fashilka ku dhacay dowladii uu madaxda ka ahaa Xasan Sheekh. Halkaan ka akhriso kalsoonida iyo ogolaashaha uu Xasan Sheekh ka haysto Shacabka Soomaaliyed oo Aad u hooseysa: http://www.cfpar.org/wp-content/uploads/2016/12/Survey-on-Somalias-Leadership-Security-and-the-Electoral-Process.pdf

Linka hoose waa khudbadii Imaam Xasan Jaamici uu la wadaagay Ummadda Soomaaliyed gaar ahaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliyed iyo Murashaxa Mudan in loo doorto Madaxweynaha dalka. Halkaan ka dhegeyso Fariinta Sheekha: https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1703433916349622&id=100000490913073

.

Tixgelin,

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment