2160 Views

Dhagayso:-Xaalada Suuqa Bakaarah Oo Saakay Aan Caga Balaanarn Ku Taagneeyn

Dhagayso:-Xaalada Suuqa Bakaarah Oo Saakay Aan  Caga Balaanarn Ku Taagneeyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18  February, 2018 —Wararka ka imaanaya suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta uusan furneen Suuqa weyn ee Bakaaraha qeybahiisa kala duwan ee Suuqaas sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Qaranimo   la hadlay.

Xernaashiyaha Suuqa Bakaaraha ayaa ka danbeysa ka dib markii Ganacsatada Suuqaas ay shalay sheegeen in ay joojinayaan Guud ahaan Ganacsigii suuqa Bakaaraha kadib cabashooyin ay sheegeen in wax laga qaban waayay oo ka yimid dhinaca Dowladda arintaas darteedna ay u joojinayaan ganacsigii suuqa weyn ee Bakaaraha ee maagalada Muqdisho.

Ganacstada ayaa sheegay in ay xamili wayeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo kordhisay Dowladda Soomaaliya iyagoo ugu baaqay madaxda Dowladda in ay wax ka qabtaan Cabashadooda ku saabsan canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment