975 Views

Kuuriyada Koonfureed oo saxiixday heshiis u oggolaanaya militariga Mareykanka inay sii joogaan ugu yaraan lix sano oo kale

Kuuriyada Koonfureed oo  saxiixday heshiis u oggolaanaya militariga Mareykanka inay sii joogaan ugu yaraan lix sano oo kale
____________________________________________________________________________

 Muqdisho /Qol/  March 10, 2021

Kuuriyada Koonfureed ayaa saxiixday heshiis u oggolaanaya militariga Mareykanka inay sii joogaan ugu yaraan lix sano oo kale.

Xukkumadda Seoul, waxay sheegtay inay ogolaatay inay bixiso ku dhowaad afar iyo toban boqolkiiba in ka badan, si ay u martigeliso ilaa soddon kun oo ciidamada Mareykanka ah.

Ciidamada Mareykanka waxay joogeen Kuuriyada Koofureed tan iyo dagaalkii Waqooyiga ee kontomeeyadii.

Arrintan ayaa imaanaeysa iyadoo Mareykanka uu ku dhawaaqay in Xoghayaha Arimaha Dibadda, Antony Blinken, uu booqasha ku tegi doono dalalka Japan iyo Kuuriyada Koonfureed isbuuca soo socda – waana safarkiisii ugu horeeyay ee dibada tan iyo markii uu xilkaasi qabtay.

Mr Blinken waxaa safarkaasi ku wehelinaya Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin. Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in booqashadooda ay dib u muujinayso sida Mareykanka ay uga go’an tahay xoojinta xiririka uu la leeyahay xulafadiisa iyo iskaashiga dalalka ku yaala gobolka Indo-Pacific iyo adduunka oo dhan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post