1758 Views

Tababarka Waxbarsahda Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo Garoowe ku soo xirmay

Tababarka Waxbarsahda Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo Garoowe ku soo xirmay
____________________________________________________________________________

Garoowe | QOL | June 27, 2018 – Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ku soo gabagaboobay Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo socday muddo afar maalin ah.

Tababarka oo ay ka soo qeybgaleen xubno katirsan Hay’adaha Dowlad Goboleedka Puntlad iyo Bulshada Rayidka Puntland ayaa looga gonlahaa in wacyiga dadweynaha ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka kor loo qaado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland Yuusuf Ibraahim Saalax oo xiritaankii tababarka ka hadlay ayaa ballanqaaday in tababarka ay gaarsiin doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan deegaanada Puntland.

Ugu dambayn, Xamse Cabdi Barre oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee DFS oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurka ee DFS ay ka go’antahay in dhamaan dadka Soomaaliyeed loo sahlo sidii ay uga qeybgeli lahaayeen Ololaha dib-u-eegista Dastuurka, tababarkana uu yahay mid bulshada u sahlaya ka qeybqaadashada dib-u-eegista Dastuurka.

.waxbarasho-dastuur-6 waxbarasho-dastuur-5 waxbarasho-dastuur-1 waxbarasho-dastuur-3 waxbarasho-dastuur-4 waxbarasho-dastuur-2

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment