Isniin: June 6, 2022
Mid ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ee ugu weyn Yurub ayaa sharciyo cusub ku soo rogtay muwaadiniinta Koonfur Afrika kuwaas oo dhaleeceen badan ay ka dhalatay.
Shirkadda duullimaadyada ee fadhigeedu yahay Dublin – RyanAir – ayaa sheegatay in macaamiisha Koonfur Afrika looga baahan yahay inay qaataan tijaabo muujineysa in Afrikaans yihiin, si ay u caddeeyaan dhalashadooda ka hor intaysan raacin duulimaadyada UK iyo Yurub.
Imtixaanka ayaa waxaa ka mid ah su’aalo la iska weydiinayo waa kuma madaxweynaha, waa maxay caasimaddeeda iyo dariiqa ay maraan gaadiidleyda Koonfur Afrika.
Diyaaradda ayaa sheegtay in rakaabka aan awoodin in ay buuxiyaan shuruudahan loo diidi doono in ay safraan lacagtooda dib loogu soo celin doono.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________