Muqdisho | QOL | June 25, 2016 – Waxaan Maanta idiin soo gudbiineynaa Warbixin isboorti oo ku saabsan Naadigii Heerka 1 ee LLPP-jeenyo iyo Ciyaaryahanadii soo maray,waxaana ku horeyneynaa Dhinaca Kubada Cagta,anagoo sidoo akle idiin soo gudbineyna Isla warbixintaan Xidigihii soo maray Dhinaca Kubada Koleyga Wiilasha iyo Gabdhaha jeenyo
Dhinaca Kubada Cagta waxaa soo maray Kooxda LLPP – Jeenyo
- AUN Sacad Maxamed Luqri
- Hiraabe
- AUN Baroow Taagane
- AUN Shariif Xamsa Cabaas
- AUN Baasi Maxamed Nuur
- Nuur Maxamed Nuur ‘N.Qaloocoow’
- Axmadeey Hilowle
- Cadowle
- Muxiyadiin Karatee
- Cabdi Shakuur
- Muxiyadiin Darboweyne
- Yuusuf Shaqaaq
- Cantar Jeenyo
- Fuaad Jeenyo
- Xaaji Macow Barakoobe
- Xaaji Cabdi Cilmi
- Witig
- Ismaaciil Garille
- Bashiir Jeenyo
- Shariif Kaneeco
- Ayuub Jeenyo
- Maxamed .X.uureey
- Cabdi Budiiste
- M.M. Cali’ Turunbo’
- Daauud Jeenyo
- Akookow
- AUN Cali Darbo
- AUN Ooyaaye
- AUN Cabdulaahi Cabdi
- Cali Quluub
- Coof
- Cabdi Cade
Dhinaca Wiilasha Kubadda Koleyga waxaa ka mid ahaa Xidigihii soo maray.
- Saciid Qoorsheel
- Saciid Gees
- Cabdi dheere
- Baarajab
- Cabdala dheere
- Cabdi Xalwo
- Bivot
- Xaaji
- Daley
- Madaxey
- Cabdiqani Jenyo
Dhinaca Gabdhaha Xidigihii soo maray Naadiga Jeenyo waxaa ka mid ahaa una Qaaday Koobabka Wixii ka dambeeyay 1985
- Astur Jaamac Cilmi
- Muki Nuur Muudeey
- Ayaan Cabdi Xaaji
- Faadumo Aweys
- Nasro
- Batuulo
- Khadiijo
- Sareedo Ibraahim
- Ruqiyo Islow
- Aamino
- Deeqo
N.B lambarkii 9 ee Gabdhaha Kubada Koleyga LLPP isla markaana u qaadan jirtay Xulka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliya Lambarka 10 Ciyaaryahanad Astur Jaamac Cilmi ooa an Dareenkeeda Naadigii LLPP jeenyo wax ka weydiiyay ayaa sheegtay in Naadigu ahaa Koox magac weyn Ku leh Isboortiga Soomaaliya waxa ayna xustay in Taageerayaal aad u fara badan ay ku lahaayeen Garoomada.
‘Galabta,iyo habeenka ay Ciyaarayaan Kooxda Kubada Cagta iyo kuwa Kubada Koleyga Wiilasha iyo hablaha waxaan xasuustaa sidii Garoomada Isboortiga loo soo camiri jiray,Naadiga LLPP waxa uu ahaa Naadi magac iyo sumcad ku leh isboortiga Soomaaliya’ ayey tiri Astur Jaamac Cilmi oo ka mid aheyd xidigihii lafdhabarka u ahaa Gabdhaha LLPP isla markaana la qaaday dhamaan koobabkii ay ku guulesyteen wixii ka dambeeyay 1985.
‘ Markaan Imid Naadiga Gabdhaha Kubada Koleyga LLPP aad baa la ii soo dhaweeyay waxaana kooxda u Daahfuray inaan kula guuleysto Koobkii ugu Horeeyay ee Horyaalka Gabdhaha Kubada Koleyga Sanadkii 1985kii, Mudadiia an u saftayna waxaan la qeybsaday 3 Koob oo Horyaaalka Kubada Koleyga gabdhaha Heerka 1 ee Soomaaliya iyo 2 koob oo Janaraal Daauud ah’ ayey Tiri Astur Jaamac Cilmi oo ka mid aheyd Gabdhihii ugu magaca Weynaa Kubada Koleyga Soomaaliya.
Astur Jaamac Cilmi ilaa Yaraanteedii isboortiga aad bay u jecleyd walina kama Caajisin dhiirigalinta Isboortiga waxa ayna ku Baaqday in la xoojiyo Horumarinta isboortiga iyo nabada oo saldhig u ah Furaha Nolosha.
ugu Dambeyntii Astur Jaamac Cilmi waxa ay salaan u dirtay Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed,Bahdii isboortiga iyo Ciyaartoydii Naadiga jeenyo Meel kasta oo ay joogaan waxa ayna Alle uga bariday in Ramadaankaan Ramadaankiisa ay ku Gaaraan Caafimaaad,Cimridheer iyo Horumar iyo nabad.
Taageerayashii isboortiga ee Kooxdii Howlaha Guud LLPP Jeenyo marna ma hilmaami doonaan Doorkii ay ku lahaayeen Ciyaaraha Kooxdii Jeenyo ee uu gudoomiyaha u ahaa AUN Nuur Xuseen Cabdi’ Nuur Jeenyo’ Aabihii isboortiga Soomaaliyeed.
.
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________