Muqdisho | QOL | February 18, 2020 – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gebagaboobay kulamo-howleedyo ku saabsan dib-u-eegista dastuurka oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan Wasaaradaha ku lugta leh dhameeystirka dastuurka.
Kulanka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa maanta oo ay u dambeysay waxaa looga arinsanayay hannaanka faderaaleynta maaliyadda iyada oo horay looga dooday arrimo ku saabsan awood qeybsiga, nidaamka cadaaladda iyo amniga, maqaamka Muqdisho, kheyraad-wadaaga, nooca qaab-dhismeedka dowladda iyo qodobo kale oo muhiim u ah dhameeystirka dastuurka.
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay dhamaan ka qaybgalayaasha doorkooda wanaagsan isaga oo ka hadlay tallaabada xigta kulamadan.
“Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan wasaaradaha, heyadaha dowladda iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka qaybqaatay 18kii cisho ee ay socdeen kulamo-howleedyada maanta inoo soo xirmay, waxaan dooneynaa inaan qabanqaabino banbax-howleed ay yeelan donaan Golaha Wasiirada iyada oo la horgeeyn doono arrimihii laga shaqeeyay intii ay socdeen kulamadan” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka.
Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka waxa uu u si gaar ah u soo hadal qaaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta oo si dhow ula shaqeeysay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka intii ay socdeen kulamo howleedyada.
Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa ka go’an sanadkan inay dhameeystirto dib-u-eegista dastuurka iyada oo xoojineysa wadashaqeynta kala dhaxeeysa dhamaan gudiyada iyo hay’adaha kale ee dowladda ee ku lugta leh arrimaha dastuurka ee u baahan in heshiis siyaasadeed laga gaaro.
.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________