Muqdisho, September 20, 2016: Guddiga Amiga doorashooyinka qaran ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaalka ah.
Shirkaan oo ha mid la is weydaarsanayay talooyinka dhanka amniga ee doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Saraakiil ka socotay AMISOM, Qaramada Midoobey iyo saraakiil kale oo kala duwan.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Avv. Cumar Dhagey, ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashooyinka dalka ka dhici doona in si nabadgelyo ah ku dhacdo, isagoo baaq u jeediyay shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan.
Waxaa uu ugu baaqay in shacabka inay gacan ku siiyaan ciidamada sidii loo sugi lahaa amniga doorashooyinka, isla markaana qeyb ka noqdaan in doorashadu si nabadgelyo oo lagu kalsoonaan karo dalka uga dhacdo, ayadoo shacbiga an dhibaata loo gaysanin.
Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in meelaha doorashada ka dhaceyso la geyn doono Ciidamo AMISOM, sida degmada Cadaado oo qorshuhu yahay in dhowaan ciidamo AMISOM tagaan oo ay diyaar ku ahaadaan gobolka.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________