Muqdisho, November 06, 2016: Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa saaka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo, iyadoo dagaalka saaka uu ku fiday goobo cusub e magaalada ka mid ah.
Sida na soo gaartay, dagaalka ayaa ka socda agagaarka xaafada Garsoor, waxaana labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Gaalkacyo ayaa laga soo sheegaya in la maqlayo hubka noocyadiisa kala duwan oo labada dhinac is weydaarsanayaan.
Lama oga cida dagaalka bilowday, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac madaafiic is weydaarsanayaan, dagalkuna socda.
Waa dagaalkii labaad oo ka dhaca Gaalkacyo, tan iyo markii todobaadkii hore Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland heshiis xabad joojin ku kala saxiixdeen dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo la malaynayaa in heshiis laga gaaray.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________