6153 Views

Socon weeynaye ma orodnaa !

Socon weeynaye ma orodnaa !
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | Aug 2, 2015 | Sida dadka siyaasadda gorfeeya ay saadaaliyeen islamarkii dalka Soomaaliya lagu sheegay inuu ka baxay qaabkii ku meel gaarka lagu sheegi jiray, waxa muuqanaysay in maamulkan cusub uu noqon doono oo keliya mid aan kii hore ka taag iyo tabar badneyn laakiin magaciisu ka duwan yahay kuwii ka horeeyay ee isdaba yaalay ku meelgaarkana lagu sheegi jiray.

KursigaMaandeeqWuxuu islamarkiiba maamulkan awooda saaray inuu aqoonsi u raadiyo maamulkiisa, waana tan waqtiga iyo juhdiga ugu badan ay geliyeen madaxda maamulkan hadda jira, laakiin waxaanay marnaba talada ku darin in ay waqtiga ku luminayaan arin aan loo baahnayn, waayo Soomaaliya waa qaran ay u dhan yihiin sadexda tiir ee wadan lagu aqoonsado oo kala ah dhul xuudo iyo astaan leh, shacab iyo maamul, intaba Soomaaliya haba taag darnaadaane weligeed waa lahayd umana baahna in la aqoonsado.

Waxayna taasi soo ifbaxday markii ay ogadeen madaxda qaranku waqtigii badnaa ee ay geliyeen danta ay ka laayeena ahayd inay kaalmo ku helaan, ayna arkeen in sida ay u raadiyeen aanay u helin, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa tan iyo 2013 markii shirkii Brussels la qabtay uuna ka soo baxay New deal-ka ilaa iyo maantaa ay lacagahaasi Soomaaliya magaceeda ku socdaan, laakiin aan dadka Soomaalidu dareemi Karin halka ay ku socoto hantidaa tirada badan lagu sheegay, iyadoo aanan maamulka hadda jira lagu aaminin wax lacag ah, beesha caalamkuna ay qorshaha iyo jaangooyada sameeysteen kedibna iyaguna dusha ka maamulaan kana maal geliyaan maamulka Soomaaliya ka jira iyagoo kharashka ugu badan ku bixiya ciidamada shisheeye.

Wadamo badan oo Soomaaliya ka liita kana burbur iyo argagixiso badan ayaa dunida ka jira kuwaasoo ay suurto gal ka noqotay in doorashooyin shacab loo gudbo haba koobnaadeene, laakiin Soomaaliya oo ay madaxdoodu u diyaar ahayn hogaaminta shacabkooda, ogolaadayna in la hogaamiyo waxay u fududeeyeen dhagarqabayaasha inay dannaha ay ka leeyihiin Soomaaliya si fudud ku qabsadaan.

Maamulka hadda jira oo laba jeer ay soo mareen dhibaatooyin iyo isqaqabsi madaxda sare, baarlamaanka Soomaaliya oo aanan shaqadii loo igmaday ee qaabeeynta dastuurka, sixidiisa iyo dejinta shuruuc ku saleeysan waqtiga la joogo oo ka duwan kii uu wadanku taagnaa waqtigii la qorayay dastuurkan ku meelgaarka ah ka gaabiyay, maqnaashaha maxkamadda dastruuriga ah oo ah tan kala qabata madaxda sare iyo baarlamaanka iyo tan leh go’aanka ugu danbeeya ee qaran loo go’aamiyo intaas oo isbiirsaday waxay keentay inaan loo gudbi Karin hammigii ahaa in doorasho xor ah oo ay shacabku dhiibtaan wadanka laga qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay inaanay dhici doonin doorasho 2016 ee hal qof iyo hal cod ah sida uu marar badan sheegayna rajo ka qabay, halka hogaamiyaha Soomaaliya Nicklos Kay uu sheegay in golaha amaanku maalintii khamiista ay qaraar ka gaareen xaalaadda Soomaliya cadadkiisuna yahay 22322 islamaalintaa oo ahayd maalintii ay shirka New deal u fadhiyeen Muqdisho qaraarkaa oo sheegaya in maamulka Soomaaliya ee hadda jira aanay aqoonsan doonin qaramada midoobay hadii ay waqtiga kororsi uu sameeyo, iyadoo la ogaaday in Madaxweeyne Xasan Sheekh ay shacabku ku qasbayaan inuu ka jawaabo su’aalo badan oo ku saabsan New dealka, iskuna dayayo inuu wax uun sheego lana ogyahay inuu hadda isku filan yahay dhaqaale ahaan oo uu yara madax taagaayo loona baahan yahay in nin cusub oo baahan qoortana dhiibta la helo 4 sanno oo hor leh.

Waxa ay Soomaaliya wajihi doontaa hab doorasho oo aan sida aan saadaalinayo uu ka soo bixi doono shaqsi aan aqoonsi ka heli doonin dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waayo waxay doorashadaasi iman doontaa iyadoo aan dastuurka la sixin inay xildhibaanno aan lagu heshiin la soo xuli doono, kedibna ay madaxweyne dooran doonaan, hadii sidoo kale ay dhacdo in xildhibaanadda ay soo xushaan maamul goboleedyaduna waxaa dhici doonta in muran ka yimaado xildhibaanadda ka iman doona maamullada aan is aqoonsaneeyn, madaxweeynaha ay doortaana wuxuu noqon doonaa madaxweeyne aan tabar badan lahayn shacabkuna aysan wada ogolayn.

By Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment