4305 Views

Kulan looga Hadlayay Xanuunnada Maskaxda oo lagu Qabtay Minnesota

Kulan looga Hadlayay Xanuunnada Maskaxda oo lagu Qabtay Minnesota
____________________________________________________________________________

Oktoobar 06, 2015 | Minneapolis — Shir ballaaran oo lagu magac-daray shirkii koowaad ee xanuunnada maskaxda ee bulshada gobolka Bariga Afrika; [First East African Mental Health Conference] ayaa lagu qabtay magaalada St Paul ee gobolka Minnesota, waxaana soo qaban-qaabiyay ururka waaliddiinta Soomaali-American-ka ee xaruntoodu tahay magaaladda Minneapolis oo kaashaday waaxda caafimaaadka gobolka Minnesota. Kulankan ayaa looga hadalayay xanuunnada maskaxda ayaa waxaa kasoo qayb-galay dad kor u dhaaafay ilaa 200-qofood; kuwaasoo ahaa dadka ka shaqeeya isbitaallada, iskuulada, shaqaalaha bulshada (Social Workers) iyo madax kala duwan.

Madaxaa hay’adda SAPA, Maxamed Xasan Maxamud (Abgaalow) ayaa uga warramay HOL kulankan; isagoo yiri. “Kulankan wuxuu ahaa sidii lla isugu xiriiri lahaa dhaqanka iyo baahida dadkeenna kasoo jeeday Bariga Afrika ee deggen dalkan iyo dadka aan la kulano mar walba sida dhakhaatiirta, dadka qaablisan adeegyada caafimaadka ha ugu horreeyaan kuwa qaabilsan cudurrada masaxda ku dhaca iyo kuwa ka shaqeeya arrimaha waxbarashada iskuulada dadwaynaha, waxaan nahay dad soo maray dagaalo iyo qax maskaxdooduna ma fadhido.” Sidoo kale, Maxamed Abgaalow ayaa intaas raaciyay inuu goobta kula kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka shaqeeya arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo qaar ka shaqeeya hay’adaha nabad-galyada, isagoo xusay inay yihiin tiro lagu farxi karo.

Waxaa kulanka ka hadashay, Saciido Maxamed Cabdi oo ka shaqaysa isbitaalka carruurta ee magaalada Boston, qaybta cilmi-barista ayaa sheegtay in ismaan-dhaaf wayn ka jiro dadka dalkan Maraykanka ee ee la shaqeeya Soomaalida iyo dadkeenna kasoo barakacay Bariga Afrika.

Siciido Maxamed ayaa HOL u sheegtay in barnaamijkan laga faa’iidayo sidii loo fahmi lahaa noocyada xanuunada dhimirka iyo sidii loo caawin lahaa dadkeenna, sidii loo fahmi lahaa dhaqanka iyo diinteenna.

Iyadoo Saciido la hadlaysay boqolaalkaas qof baa waxay sheegtay in dadka Soomaaliyeed caadiyan markay waddankoodii joogeen aysan laheen wax u dhexeeya waali iyo fiyoobi; laakiin galbeedka loogu yimi wax ka duwan taas.

Kulanka oo su’aalo badan la isku-weydiiyay ayaa waxaa dhinac socday tababaro ay baxinaayeen dad khibrad u leh arrimahan; waxaan dhihi karnaa wuxuu ahaa kulan aad u qiimo badan oo laga faa’iiday wax badan iyadoo uu kulanku socday hal maalin.

Waxay kaloo Siciido Maxamed aad uga hadashay xanuunnada Haweenka Soomaaliyeed ku dhacay marka ay kasoo haajireen dalkoodii, iyadoo xustay in loo baahan yahay in la caawiyo carruurta markay yar-yar yihiin si ay uga badbaadaan markay koraan inay ka haraan waxbarashada.ayna wado qaldan maraan.

Ugu dambeyn, madaxda ururka SAPA ayaa aad ugu mahadceliyay waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota oo barnaamijkan suuro-gelisay, iyadoo dadkii kasoo qayb-galayn barnaamijkan ay ka codsadeen ururku inuu joogto kluamada noocan oo kale ah.

shirka-cudurka-madaxa-mn-3 shirka-cudurka-madaxa-mn-4 shirka-cudurka-madaxa-mn-5 shirka-cudurka-madaxa-mn-6 shirka-cudurka-madaxa-mn-7 shirka-cudurka-madaxa-mn-8 shirka-cudurka-madaxa-mn-1 shirka-cudurka-madaxa-mn-2

 

.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online

Siyad@hiiraan.com

Minneapolis Minnesota

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment