3696 Views

R/wasaaraha oo dhagax dhigay dhismaha xarun laga hagi doono diyaaradaha

____________________________________________________________________________

download4

Muqdisho, 11 October 2015- R/wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid ayaa manta dhagax dhigay dhismaha xarun laga hagi doono diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya taasoo aan shaqeyneyn muddo labaatan sano ka badan, isagoo dhinaca kale xarigga ka jaray Taawarka cusub ee Air borka oo dowladda Turkiga ay dhistay.

Wasiirka Gaadiidka iyo saadaasha hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac Jangali oo hadal kooban ka jeediyay goobta dhagax dhigga laga sameeyay ayaa waxaa uu sheegay in arintani ay qayb ka tahay horumarka uu dalkeenu ku tallaabsanayo,  waxaana uu ballan qaaday in xaruntani la dhigi doono qalab casri ah oo loo adeegsan doono maamulka hawada Soomaaliya, halka  mid kale oo laga hago diyaaradaha maraya hawadeena laga hirgalin doonto Magaalada Hargeysa.

R/wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Cumar Cabdirashiid ayaa bogaadiyay howsha horumarka leh ee ka socota garoonka Aadan Cadde,  waxaana uu xusay in guul weyn ay Soomaaliya u tahay in maamulka hawadeeda ay la soo wareegto,  waxaa uu intaa raaciyay in xaruntan oo kale ay dowladu ka hirgalineyso Magaalada Hargeysa si markii loo baahdo loo adeegsado.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay dowladdii hore sanadkii 1991 dii ayaa hawada dalkeena waxaa maamulayay Qaramada Midoobay oo adeegsaneysay xarun ku taala magaalada Nairobi, Tanana waxaay qeyb ka tahay dadaallada dowladdu ay ku horumarineyso adeegyada guud ee dalka.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment