3564 Views

Wasiirka Batroolka oo Koonfur Africa uga qeyb galaya shir looga hadlayo Shidaalka Afrika

____________________________________________________________________________

Maxamed-Mukhtaar-Ibraahim-wasiirka-batroolka-262x309-174x131Muqdisho, 26 October, 2015: Wasiiirka Batroolka Iyo Macdanta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaaa Gaaray Magaalada Cape Town ee Dalka south Africa Halkaas oo uu uga qeyb galayo shir looga Hadlayo Sahminta Shidaalka Qaarada Africa.

Wasiirka ayaa Waxaa garoonka diyaaradaha ee Cape Town ku soo dhaweeyay Qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee nool dalkaasi iyo mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi Koonfur Africa.

Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Batroolka, waxaana ay ka qeyb gali doonaan shir caalami ah oo looga hadlayo shidaalka Africa waxaana isugu imaanayaa Dowlado Caalamka ka tirsan.

Wasiiirka Batroolka Iyo Macdanta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadkani Dowladda Soomaaliya ay geyn doonto shirkani sida looga faa’ideysan karo kheyraadka dabiiciga ee dalkeena iyo In muhiim ay tahay in maalgashi lagu sameeyo.

Ugu Dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya Colaad ay ka soo baxday loona baahanyahay in ay ka faa’ideystaan kheyraadka dalkeena ceegaago si aan ugu maarano kaalmo shisheeye, waxaana inta wasiirka uu joogo dalkaasi la filayaa in uu kulan la qaato jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku nool.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment