5973 Views

Ahlu Sunna-da Galgaduud oo ku gacan seeyrtay:- DF Soomaaliya,Gal-Mudug iyo Itoobiya

Ahlu Sunna-da Galgaduud oo ku gacan seeyrtay:- DF Soomaaliya,Gal-Mudug iyo Itoobiya
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 20, 2015 — Madaxweyne ku xigeenka Ahlu sunna ee Gobolada Dhexe, Cali Baashi Faarax, ayaa sheegay ineysan qaadan karin waxyaabaha kasoo yeeray shirarka wadatashiga Qaran ee ka dhacay Garowe,Cadaado, Baydhabo, Muqdisho iyo Kismaayo.

Shirarka ka dhacay magaalooyinka gobolada dalka ayuu sheegay in ay la mid yihiin Siminaarro loo qabtay dad u baahan oo aysan ka tarjumeynin rabitaanka dadweynaha iyo danaha dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Cali Baashi Faarax.

Tan kale kale wuxuu been abuur ku tilmaamay wadahadalo la sheegay in magaalada Addis Ababa kaga furmeen maamulka Galmudug iyo maamulka Ahlu sunna, kadib markii magaalada Addis Ababa lagu arkay madaxweynaha Ahlus-unna iyo Kan Galmudug.

Safarkii uu Sheikh Maxamed Shaakir ku tagay magaalada Addis Ababa ayuu sheegay inuu ahaa mid wada shaqeyn ah oo dhexmaraysa Ahlu sunna iyo dowlada Ethiopia oo ayaga gaar u ahaa.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment