4164 Views

Socdaalkii Madaxweyne Xasan & Wafdigiisii ay ku tageen Beledweyne

Socdaalkii Madaxweyne Xasan & Wafdigiisii ay ku tageen Beledweyne
____________________________________________________________________________

December 21, 2015 | Beledweyne  — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka oo duhurnimadii maanta Beledweyne soo gaaray, ayaa durba billaabay kulamo kala duwan iyo wadda-tashiyo ay la yeelanayaan Siyaasiyiinta, Wax-garadka, odayaasha-dhaqanka, Haweenka iyo Qaybaha bulshada ee ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xusseen [Odawaa], Wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha, wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda, wasiir ku-xigeenka maaliyadda, wasiir ku-xigeenka caafimaadka, xildhibaanno, taliyaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed. Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay xoojinta arrimaha dib-u-hishiisiinta, xalinta dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Beledweyne iyo xiisadii ka dhalatay dil bishii hor bartamaha magaalada loogu geystay sarkaal ka tirsanaa QM gaar ahaan hay’adda miino baarista UNMAS Mahdi Xusseen Shiiqaal oo wali kiiska dacwadiisa ay gacanta ku hayaan laamaha ammniga dowladda. Hase ahaatee, kulammada ugu badan ee wafdiga madaxweynaha iyo odayaasha-dhaqanka ayaa looga wada-hadli doonaa qorshaha dhismaha maamulka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan oo khilaaf cusub uu ka soo shaac-baxay, kaddib wareegtadii uu maalintii shalay madaxweynaha ku sheegay in gogosha dhismaha maamulka labada gobol la dhigo Jowhar halka degmada Buula-burta -na wareegtada lagu xusay in ay noqoneysa xarunta maamulka dhismaya.

Odayaasha dhaqanka oo saacado ka hor inta uusan soo iman madaxweynaha kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Beledweyne ayaa si adag uga hor yimid wareegtada madaxweynaha oo ay ku tilmameen inay tahay mid kali-talisnimo ah waa sida ay hadalka u yiraahdeenne, isla markaana aan u faa’ideyn doonin dhismaha maamulka labada gobol. Odayaasha ayaa sheegay in marnaba ka tanaasulin doonin mowqifkoodii ahaa in gogosha dhismaha maamulka labada gobol la dhigo degmada Beledweyne ay ka fidsan tahay sida ay hadalka u dhigeen muddo ka badan sideed bilood gogol dib-u-hishiisiin ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo saddexda cisho ee soo socta sii joogi doonna magaalada Beledweyne, ayaa lagu waddaa in ay bilaabaan kulamo gooni-gooni ah oo ay la qaadanayaan siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka, iyaga oo xoogga saaraya sidii meesha looga saari lahaa khilaafka ka dhashay wareegtada madaxweynaha. Xasan Sheekh oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inuu mudadda uu joogo magaalada Beledweyne dhageysan doono tallooyinka iyo aragtida bulshada ku nool gobolka gobolka si la iskula meel-dhigo arrimo badan oo u baahan in xal loo helo.

Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa qaba dhinacooda in aysan ku qanci doonin wax ka yar in gogosha dhismaha maamulka labada gobolka la dhigo Beledweyne oo ay ka fidsan tahay sidda ay hadalka u dhigeen muddo siddeed bilood ah gogol isugu jirta dib-u-hishiisiin iyo waddatashi.

Ugu dambeyn, kulammada ayaa sii socon doona, lamana oga go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo qorshaha dhismaha maamulka labada gobol oo dood adagi ka taagan tahay.

madaxweyn-xasan-beledweyne-9 madaxweyn-xasan-beledweyne-12 madaxweyn-xasan-beledweyne-13 madaxweyn-xasan-beledweyne-14 madaxweyn-xasan-beledweyne-1 madaxweyn-xasan-beledweyne-2 madaxweyn-xasan-beledweyne-3 madaxweyn-xasan-beledweyne-4 madaxweyn-xasan-beledweyne-5 madaxweyn-xasan-beledweyne-6 madaxweyn-xasan-beledweyne-7 madaxweyn-xasan-beledweyne-8 madaxweyn-xasan-beledweyne-10 madaxweyn-xasan-beledweyne-11

.

.

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment