6174 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo goor dhow gaaray Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo goor dhow gaaray Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28 December 2015: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo soo dhoweeyaysi aad u qurux badan.

Wafdiga ayaa diyaarad helicopter ah ka soo dejisay  garoonka diyaaradaha Jowhar, waxaana ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen, kuxigeenada maamulka, Guddoomiyaha degmada Jowhar, saraakiil, mas’uuliyiin iyo bulshada degan Jowhar.

Magaalada ammaankeeda ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo la dhigay wadada isku xirta Jowhar illaa garoonka diyaaradaha oo dhinaca galbeed ku yaala si nabada loo sugo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa la socda, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, Wasiirka dhalinyarada, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Munaasabad lagu soo dhoweynayo Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa iminka ka socota Guriga Gobolka, halkaasoo lagu wado inay kula hadlaan, odayaasha, waxgaradka, haweenka iyo mas’uuliyiinta maamulka.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah lagu dhawaaqay waqtiga uu furmayo shirka maamul u sameynta labada gobol.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socday diyaar garow ku aadan marti gelinta shirka, iyadoo hotelada iyo guryaha la sheegay inay sii kireystaan wafuuda imaaneysa iyo xubnaha musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

wasirada-2wasirada-1wasirada-4wasirada-6wasirada-7wasirada-8wasirada-9wasirada-10wasirada-11

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment