Saturday, 27 April 2024
3573 Views

Qaramada Midoobay oo Masar ka dalbatay in ay sii dayso wiil Soomaali ah

Qaramada Midoobay oo Masar ka dalbatay in ay sii dayso wiil Soomaali ah
____________________________________________________________________________
Muqdisho, 02 February, 2016: Qaramada Midoobay ayaa ka dalbatay dowladda Masar inay sii deyso wiil yar oo Soomaali ah oo u xiran muddo lix bilood ah.Wiilka oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Aadan, da’diisuna ay tahay 17 jir ayaa Masar lagu xiray, horraantii bishii Juun ee sannadkii hore.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in wiilka yari dalkiisa uga soo qaxay amni darro. sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in Yuuuf uu dalkiisa hooyo ka qaxay markii malleeshiyadka Al-Shabaab ay dileen walaalkiis.

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Masar ay ku xiran yihiin carruur qaxooti ah oo ay tiradoodu gaarayso 50,  kuwaasoo 25 ka mid ah ay qaxooti ahaan u diwaaganshan yihiin.

Ciidamada amaanka dalka Masar ayaa xiray bishii July ee sanadkii 2015-ka Yuusuf Maxamed Aadan oo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxa uuna wiilkan ku xiran yahay xabsiga Qarmuus ee ku yaal magaalada Alexandria.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment