3435 Views

Dawlada Soomaaliya oo xabsiga ka sii daysay Cabdi Waal

Dawlada Soomaaliya oo xabsiga ka sii daysay Cabdi Waal
____________________________________________________________________________

Muqdisho,21 March 2016: Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), ayaa Xalay laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA),oo laba toddobaad uu ku xirnaa.

Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka ku heybta ah Cabdi Nuure Siyaad, ayaa dadaal wayn u galay, sidii ninkaasi xabsiga looga soo sii deyn lahaa.

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah Saraakiisha sida dhow ula shaqaysa Madaxtooyada Somaliya, ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay, sidii Cabdi Waal uu xoriyadiisa u heli lahaa.

Taliska Nabad Suggida, ayaa Cabdi Waal ku wareejiyay eheladiisa, waxaana jira qoddobo la kala saxiixday, oo sharuud looga dhigay sii deysmada ninkaasi, inkastoo laga digay in Warbaahinta laga baahiyo qodobada lagu xiray sii deysmadiisa.

Waxaa dadka qaar isweydiinayaa, qofki an haysanin Qabiil u dooda, yaa u maqan? Cabdi Waal jufadiisa ayaa u dooday, sidaas ayaa lagu sii daayay. Dadka la laf-gaabsado yaa u hiilin-doono? Cadaalidi Dowlada ma sidaas baa u dambeeysay? Waa su’aalaha Muqdisho ka socda maanta!!

Wararka ayaa sheegay in Cabdi Waal uu Xalay si xoriyad leh ku dhex maray Magaalada Muqdisho.

Cabdi Waal, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo xiray 7-dii bishan, markii laga soo qabtay hotelkii uu ka deganaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment