4584 Views

RW Cumar iyo Gaas oo kormeer ku tagey garoonka cusub ee magaalada Garowe

RW Cumar iyo Gaas oo kormeer ku tagey garoonka cusub ee magaalada Garowe
____________________________________________________________________________

Garowe, March 31, 2016 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo weheliyo Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Cabdiweli M. Cali Gaas, wafdi ka socda Dawladda Turkiga oo hoggaaminayo Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo Puntland, ayaa maanta kormeeray Garoonka cusub oo laga dhisayo duleedka magaalada Garowe.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socday ayaa kormeer ku tagey qeybaha kala duwan ee garoonka oo xiligaas ay shaqadu ka socotay, waxana ay warbixino ka dhageysteen Shirkadda gacanta ku haysa dhismaha garoonka oo laga leeyahay dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey horumarka ka socda magaalada Garowe , gaar ahaan dhismaha garoonkan oo loo dhisi doono qaab casri ah.

“Shirkadaha caalamka iyo kuwa kale ee ay Soomaalidu leeyihiin waxaan leenahay hala yimaado dalka oo hala maalgeshado, si ay dib u soo laabtaan guud ahaan adeegyadii bulshada u baahnaayeen, tani waa horumar uu dalka ku talaabsanayo” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Garoonka Magaalada Garowe ayaa waxaa bixinaya Boqortooyada Kuwait, waxana uu qeyb ka yahay mashaariic uu dalkaas ugu deeqey Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

sharmarke-gaas-garowe-airport-5 sharmarke-gaas-garowe-airport-4 sharmarke-gaas-garowe-airport-3 sharmarke-gaas-garowe-airport-6 sharmarke-gaas-garowe-airport-2 sharmarke-gaas-garowe-airport-1

.

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment